Magaalada Gaalkacyo waxaa shalay Duhurkii waxaa gaaray Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey si shir halkaasi uu uga furo.
Maanta Isniin ah ayaa la fialayaa in Magaalada Gaalkacyo uu ka furo Madaxweyne ku xigeenka shir looga hadlayo Arrimaha gargaarka maadaama xiligaan deegaano ka mid ah Galmudug ay biyo la’aan Iyo abaar ay ka jirto.
Shirkaan ayaa waxaa siwadajir ah uga qeybgeli doonaa Masuuliyiin ka tirsan kuwa Galmudug Iyo Hay’addaha samafalka ka howlgalla deegaanada maamulkaas ,waxaana looga hadli doonaa sida ugu fudud ee dadka deegaanada Galmudug ku nool loo caawin lahaa.
Shirkaas oo aan weli la shaacin inta Maalmood uu socon doono ayaa markii uu soo gaba gaboobo waxaa laga soo saari doonaa qodobo dhowr ah oo ay isla gaareen.