Wararka aan ka heleyno Maanta Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in ishor istaag lagu sameeyay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ku soo jeeday Magaalada Muqdisho.
Ciidmo aya la sheegay in ay u diideen in uu ka soo dhoofo Garonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado isaga iyo Xubno la socday, waxana ilaa iyo hada aan la ogeyn waxa sababay arrintaas.
Ishor istaagaan Maanta lagu sameeyay madaxweyne ku xiugeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa ku soo aadayaa xili uu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabeey.
Sidoo kale arrintaan ayaa ku soo adeysaa xili maanta uu baaqday kulan ay xildhibaanada Galmudug ku yeelan lahaayeen Cadaado iyo banaanbax lagu taageerayo Madaxweyne Xaaf oo ka dhacay isla Magaalada Cadaado.