Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Dahir Ciid ayaa kulan la qatay Safiirka Dowlada Qatar ee Fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho Hasan Bin Xamsa.
Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay Arimaha Hormarinta Galmudug iyo kaalinta ay Dowlada Qatar ka qadanayso dib u dhiska Hay,adaha kala Duwan ee Dowlad Goboledka Galmudug
Sido kale waxaa la isku soo qaaday sidii Dowlada Qatar ay Galmudug uga caawin lahayd dhismaha Ciidanka Darwiish Galmudug
Ugu danbeyn kulankaan ayaa waxaa uu ku soo dhamaday is afgarad waxana Safirka Qatar uu Galmudug ku amanay hormarka ay samaysay mudadi kobnayd ee ay jirtay Dowlada u hormuud la u yahay Madaxweyne Ahmed Abdi Kaariye Qoorqoor.