Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Guudlaawe iyo wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Daba-geed, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, mas’uuliyiin kale iyo dadweyne farabadan oo lagu sii diyaariyey Garoonka.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Baladweyne waxaa uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa Maamulka Gobolka, kan Magaalada, Odayaasha dhaqanka iyo qeybo kamid ah Bulshada oo taageersan Madaxweynaha.
Waa safarkii ugu horreeyay ee Madaxweyne Cali Guudlaawe ku tego Baladweyne tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Hirshabeelle, waxaana dhowr jeer uu ka baaqday safaro uu ku tegi lahaa Magaaladaas ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Ammaanka guud ee Magaalada ayaa siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa la xiray inta badan waddooyinka Baladweyne oo joogaa Ciidamada Haramcad iyo kuwa Booliska Hirshabeelle, waxaana warar la helayo ay sheegayaan in halkaas ay ka jirto xiisad.