Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa la filayaa in Maanta uu furo Kala-fadhiga labaad ee Xildhibaanada Aqalka Sare oo Bilihii u dambeeyay fasax ku jiray.
Xildhibaanada Aqalka sare ayaa Maalmaahn u diyaar garoobayay furitaanka Kulankooda labaad,waxana lafilayaa in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Faarmaajo,uu u jeediyo khudbad dhinacyo badan taabaneysa.
Amaanka Wadooyinka soo gala Xarunta Aqalka Sare ayaa aad loo adkeeyay waxana la arkayay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo Wadooyinka qaar xiiray,iyaga oo u diidaya in ay Gaadiidka isticmaalaan.
Kala-fadhiga labaad ee Xubnaha Aqalka Sare ayaa waxaa la filayaa in Maanta Su’alo laga weeydiiyo intii ay fasaxa ku maqnaayeen magaalooyinkii ay tageen iyo waxyaabihii ay ku soo arkeen hadii ay jiraan dhibaayooyin si wax looga qabto.