Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Farmaajo ayaa Talaadada manta ah waxa uu Warqada Aqoonsiga safiirnimo ka gudoomey safiirka dalka Belgium ee Somalia.
Kulan gaar ah oo ay yeesheen ayaa waxa ay uga wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa,iyada oo safiirka dalka Belgium ee Somalia Nikolas Nihon uu balan qaaday in uu la Sahqeyn doono dowladda Soomaaliya.
Dowladda Belgium ayaa ka mid noqoneysa dowladaha taageersa Soomaaliya,isla markaana tan iyo burburkii ka dib Soomaaliya u soo dirsata Safiir matala dalkeeda.