Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti.
Madaxweynaha iyo wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho kusii sagootiyay Madax sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ajiibay marti qaad rasmi ah oo uu ka helay walaalkiis Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaana qaadanaysa muddo labo maalmood ah.