Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo waxay barqanimadii maanta ka degeen Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Bole International Airport ee ku yaalla caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.
Madaxweyne Farnmaajo waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyey Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed.
Warbaahinta FBC ee ku hadasha Codka Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay inuu Madaxweyne Farmaajo booqasho shaqo ku joogo Addis Abeba, isla markaana uu Kulan Khaas ah la yeelan doono Abiy Ahmed.
Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ethiopia ayaa lagu sheegay inay Labada Hoggaamiye Kulankooda kaga wada hadli doonaan Xiriirka Somalia iyo Ethiopia iyo Ajendayaal khuseeya Arrimaha Gobalka.
Booqashadda uu Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ku tegay Addis Abeba ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay qorshaha Ra’isul-wasaaraha Ethiopia ee Nabadda Gobalka, Ammaanka iyo Is-dhexgalka Dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika.
Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia ayaa waxay ku soo beegmay, iyadoo ay Ethiopia, Kenya iyo Eritrea dhawaan isku raaceen Isbahaysi Saddex Geesood ah oo aan xog badan lahayn.
Si kastaba ha ahaatee, Isbahaysiga Kenya la yeelatay Ethiopia iyo Eritrea waxa laga yaabaa inuu saamayn toos iyo mid dadban ku yeesho Muranka Diplomaasiyadeed ee Somalia iyo Kenya ee ka dhashay muranka Milkiyadda Xuduud-baddeedka ee ay Kenyanku sheeganayaan inay iyagu leeyihiin.