Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa manta waxa ay gaareen lagna soo dhaweeyey Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.
Safarka Madaxweynaha oo ahaa mid aan horay loosii shaacin ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Xubno ka mid ah golaha Wasiirada Soomaaliya.
Masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa ku soo dhaweeyey Wafdiga Madaxweyne Farmaajo Magalada Nairobi,waxana booqashadiisa ay qaadan doontaa mudo laba Cisho ah.
In kastoo madaxtooyada Soomaaliya aysan weli wax war ah ka soo saarin safarka Madaxweyne Farmaajo uu ku tegay Nairobi ayaa hadana waxaa la filayaa in uu kulamo la qaato masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.