Qeyb ka mid ah khudbadii Madaxweyne Farmaajo uu shalay ka jeediyay kalfadhigii 3aad ee labada Aqal ayay aheyd waxyaabihii uu kaga hadlay musuq maasuqa dalkaan Soomaaliya weli ka jira.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in weli dalka uu musuq maasuq ka jiro isla markaana waxa uu qiray in dad dowladda Federaalka Soomaaliya ka mid ah ay musuq maasuqa qeyb ka yihiin.
Isaga oo sii hadlayay ayuu madaxweyne Farmsajo sheegay in ay xaqiiq tahay is aaminid la’aan jirta tassi ay sabab u yihiin Al-Shabaab oo uu sheegay in ay diidan yihiin in aan Caalamka laxisaabtano laakin dadka Soomaliyeed ay yihiin dad Wadaniyiin ah sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo aadaya xili Sanadkii tegay ee 2017 Soomaaliya ay kaalinta koowaad ka gashay dalalka ugu musq maasuqa badan Caalamka iyo in madaxda dowladda ay mar walb ku cel celiyaan in laga hortagayo musuq maasuqa.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo.