Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo madaxweynaha soomaaliya ayaa goor dhow magcaabay Agaasimayaal cusub,iyadoo xilalkaasina laga qaaday agaasimayaashii hore.
Madaxweynaha ayaa agaasimaha guud ee madaxtooyada Villa soomaaliya u magcaabay Abuukar Daahir Cirsmaan, halka Prof Nuur Diiriye Fuursade, uu u magcaabay la Taliyaha Madaxweynaha ee Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda, sidookale madaxweyne Farmaajo ayaa Maxamed Cabdullahi Axmed, u magcaabay Kaaliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha halka Cabdullaahi Yuusuf Maxamed, uu ka dhigay Agaasimaha Habmaamuuska madaxtooyada Soomaaliya, iyadoona Cabdinuur Maxamed Axmed,loo magcaabay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.
Xilalka magcaabistaan ee madaxweyne Farmaajo ayaa imaaneysa, xili maanta ra’isul wasaare Xassan Cali Kheyre uu ku dhawaaqay golihiisa wasiirada ee xukuumada.