Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Farmaajo oo shlay tegay Magaalada Garoowe ayaa la filayaa in uu Maanta xariga ka jaro Garoonka Diyaaradaha Magaaladaas oo dib u dhis lagu sameeyay.
Munaasabad xariga looga jarayo Garoonka Diyaaradaha ayaa lagu qabana doona Garoowe,waxana Maanta Magaalada Garoowe laga dareemaya qaban qaabada munaasabadaas.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Madaxweyne Farmaajo munaasabada xarig jarka kadib uu sidoo kale kulamo la qaadan doono madaxda Puntland iyo qeybaha kale ee Bulshada.
Sidoo kale Caawa ayaa la filayaa in Madaxweyne Farmaajo uu ka qeybgalo munaasabad lagu maamuusayo afarsano Guuradii ka soo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas.
Maalma ka hor ayaa la shaaciyay in uu Madaxweyne Farmaajo xariga ka jari doono Garoonka Diyaaradaha Magalada Groowe,waxaan sidoo kale uu booqan doona Magaalooyin ka mid ah Puntland iyo Galmudug.