Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Baraawe ayaa waxaa ku wehlinaya Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan halkaas.
Ujeedka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u tagayo Magaalada Baraawe ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay inuu xariga kaga jari doono Garoonka diyaaradaha Baraawe oo dhawaan lagu sameeyay  dib u dayactir ballaaran gaar ahaan runwayga ay diyaaradaha ku degaan.
Sidoo kale Madaxweynaha inta uu ku sugan yahay halkaas waxaa uu dhagax dhigi doonaa Mashaariic horumarineed oo laga hergelin doono Baraawe, waxaana kamid ah Iskuulo waxbarasho iyo Goobo kale oo muhiim u ah Bulshada.
Maalmo kahor ayay aheyd markii Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ay si wada jir ah uga dhagax dhigay Magaalada Baraawe xarun loogu talagalay daryeelka caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka.
Amaanka Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, waxaana waddooyinka Magaalada la dhigay Ciidamo gaar ah, kuwaasi oo wada baaritaano kala duwan.