Warar ay heshay Idaacadda dalsan ee Magalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu la kulmay Qoyska Gabar uu shalay dilay Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda.
Alle ha u naxariistee Deeqo Daahir Faarax oo ah Marxuumada uu Askariga dilay ayaa waxaa Maanta lagu aasay Magalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Qoyska Gabadha waxa uu kala hadlay sida laga yeelayo askariga dilka u geystay Gabadhooda,sida uu inoo xaqiijiyey Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya.
Askariga dilka u geystay Deeqo Daahir Faarax ayaa ilaalo u ahaa Gen, sheegoow waxaana Maanta ciidamada Amniga ay ku guuleysteen inay Gacanta ku dhigaan.