Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa waxaa weli ku sugan Madaxweynaha Jamhuutiyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo,iyagoo oo ka qeyb galaya Meertada 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobay oo shalay halkaas ka furmay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa New York Shir-doceedyo kula qaatay qaar kamid ah Hogaamineyaasha Caalamka ee ka qeyb galaya Shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobey.
Madaxweynaha Jahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Marwada Koowaad ee dalka Marwo Zaynab Cabdi Macalin ayaa la kulmay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
War ka soo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyay in Madaxweyne Farmaajo uu ka qeyb galay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweyne Trump u sameeyay Madaxdii ka qeyb gashay Shirka ka socda Magaalada New York.
“Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Marwada Koowaad ee dalka Marwo Zaynab Cabdi Macalin ayaa ka qeyb galay kulan soo dhaweyn ah oo uu Madaxweynaha Mareykanka Mudane Donald Trump u sameeyay madaxdii kasoo qeyb gashay Meertada 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobayâ€ayaa lagu yiri Warka Villa Soomaaliya.