Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xalay kulankii ugu horeeyay yeeshay tan iyo markii gudoomiyaha mooshinka laga keenay.
Kulanka oo ahaa mid gaar ah ayaa waxaa looga hadlayay sidii loo qaboojin lahaa xiisada ka dhalatay mooshinkii laga keenay gudoomiye Jawaari kaas oo la sheegayo in ay dabada ka riixeyso Xukuumadda kadib markii lagu arkay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada kulamadii Xildhibaanada mooshinka keenay.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa  weli ku adkeysanaya in kulanka Golaha Shacabka ee ugu soo horeeya lagu qabto meel ka baxsan Xarunta Golaha Shacabka ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay in uu aqbalay mooshinka laga gudbiyay,isla markaana uu dalbanayo in cod loo qaado.
Madaxweyne Farmaajo ayaa isna dhankiisa gudoomiye Jawaari waxa uu u sheegay in haatan muhiim ay tahay in xiisada taagan la dejiyo,taas oo sababtay in ay istaagaan Shaqooyinkii Xukuumadda iyo tan Golaha Shacabka.
Xildhibaanada mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa iyana weli ku adkeysanaya in aysan ka laaban doonin mooshinkaas,waxana Gudoomiyaha xilka looga qaadi karaa markii la helo Saddex meelood laba tirada guud ee Baarlamaanka Soomaaliya ama 180 Mudane.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale la filayaa in maalmaha soo socda uu isna kulan gaar ah la qaato Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo uu khilaafka kala dhaxeeyo gudoomiye Jawaari,waxana tallaabada uu Madaxweyne Farmaajo uu ku soo farageliyay xiisada Siyaasadeed ee taagan ay timid ka gadaal markii 17 Bishan ay ka dalbadeen tiro xildhibaano ah oo u tegay.