Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maalinta berri ah la filayaa inay safar ugu ambabaxaan Magaalada Asmara ee Caasimada dalka Eritrea.
Warar lagu kalsoonaan karo ah oo aan helnay ayaa sheegaya in Maaxweyne Farmaajo uu martiqaad rasmi ah ka dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerk, isagoona kusii jeeda Asmara.
Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Asmara waxaa uu kulan la qaadan doonaa Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerk, iyagoona ka wada hali doono arrimo kala duwan.
Labada dhinac ayaa sigaar ah uga wada hadli doona xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal iyo Arrimo kale oo ku aadan Gobolka.
Dowladda Eritrea ayaa muddooyinkii u dambeeyay loo arkayay inay heysay malafka arrimaha Gobolka Geeska Afrika ee danaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ka leeyihiin, iyadoo bishii hore Madaxweyne Isaias Afwerki uu socdaal ku tagay Magaalada Abu Dhabi, maalmo kaddib uu tagay Magaalada Addis Ababa.