Shirkan ayaa maanta ka furmaya Magaalada Kampala ee Dalka Uganda,waxaana ka qeyb galay Madax kasocoto Qaaradda Africa.
Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo Arbacadii gaaray Magalaadasi ayaa ka qeyb galaya Shirkaasi diirada lagu saarayo arimaha qaxootiga iyo dhibaatada ay wajahaan.
Somalia ayaa kamid ah wadama dadkooda ay hayaameen kadib bur burkii dowlada dhexe kuwaa oo ka baxsanayay dhibaatooyinkii dalka uu la daalaa dhacayay.
Waxaana shirka looga arinsan doonaa mudada uu socdo qaabka ugu wanaagsan ee lagu maareenayo Qaxootiga,iyo in madaxdu ay go’aan mid ah ka qaadaan Marxalada dadka Baddaha ku sii dhamaanaya.