Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u direy qoyskii, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Danjire C/rixiin Caabi Faarax oo ku geeriyooday xalay dalka Mareekanka.
Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey in uu naxariis iyo janno siiyo Marxuumka, samir iyo iimaanna uu ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagay.
“Inaalilaahi waa inaa ilayhi raajicuun, Waxaan uga tacsiyeynayaa Shacabka Soomaaliyeed geerida Danjire C/rixiin Caabi Faarax oo ku geeriyoday Mareekanka. ilaahay ha u naxariisto marxuumka, samir iyo iimaanna ha ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagay.â€
Marxuum C/rixiin Caabi Faarax Caabi waxaa lagu xasuustaa kaalintii diblomaasiyadeed uu ka ciyaaray sidii Soomaaliya ay u samaysan lahayd saaxiibo badan oo saameyn ku dhex leh Qaramada Midoobay iyo caalamkaba.
Xilalkii ugu muhiimsanaa ee uu soo qabtay Marxuum Danjire C/rixiin Caabi Faarax waxaa kamid ah Danjiraha Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Safiirkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u fadhiya Itoobiya, kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramada midoobay iyo sidoo kale ku-xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay, waana qofka keliya ee Soomaali ah oo derejadaas gaadhay.