Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta oo Axad ah ku wajahan Magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Magaalada New York uga qeyb geli doona Shirka 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey,kaasi oo furmi doona Maalinta talaadada oo taariikhdu ay ku beegan tagay 24-da Bishan September 2019.
War ka soo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyay in Maanta Madaxweyne Farmaajo uu u ambabixi doono dalka Mareykanka si uu uga qeyb galo Shirkaas.
Sidoo kale War ka soo baxay Madaxtooyadda ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya markii ugu horreeyay uu ka qeyb geli doono Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey tan iyo markii loo doortay xilka Madaxtinimada dalka 8-da bishii February sanadkii 2017.
Madaxweyne Farmaajo ayaa bilowgii Bishii la soo dhaafay ee Agoosto ka tanaasulay Baasaboorka dalka Mareykanka ee uu heystay,taasi oo hore uga xanibtay Shirarkii Qaramada Midoobey ee ka dhacay New York sanadihii 2017-2018.
Dowladda Soomaaliya ayaa bilowgii Bishan September 2019 shaacisay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ka qeyb geli doono Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey,iyadoo markii horey uu Soomaaliya matali jiray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.