Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa Hambalyeeyey guusha Xulka Qaranka kubada Cagta ee dalka Soomaaliya uu ka gaaray Xulka Qaranka Zimbabwe.
Madaxweyne Farmaajoâ€Hambalyo ciyaartoyda iyo macallimiinta Xulka Kubadda Cagta ee Soomaaliya oo 1-0 kaga adkaaday Zimbabwe ciyaar isreebreeb ah oo loogu diyaar garoobayo Koobka Adduunka ee 2022â€ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Ciyaarta dhexmartay Soomaaliya iyo dhiggooda Zimbabwe oo aheyd mid aad u wanaagsan ayaa ka dhacday Garoonka Ciyaaraha dalka Jabuuti,iyadoona qeybta hore ay kusoo dhammaatay barbardhac 0-0.
Sidoo kale markii dib la isugu soo laabtay Ciyaarta ayaa daqiiqadii 87-aad dalka Soomaaliya u suuragashay inuu helo Gool,iyadoona Ciyaarta kusoo dhammaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday Soomaaliya.
Anwar Shakunda ayaa ah Ciyaariyahanka Xulka Soomaaliya Goolka u dhaliyay.
Dhinaca kale dalka Xulka Soomaaliya ayaa lugta labaad la ciyaari doona Zimbabwe 8-da Bishan oo ku beegan Axada soo socota.