Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo Maanta furay kalfadhigii Saddexaad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaaliya ayaa waxa uu digniin u diray Shirkadaha doonaya in ay maalgashi ka sameeyeen Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in Shirkadaha shisheeye ee doonaya in ay maalgashadaan dalka in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka aqbaleyn in ay ku soo xadgudbaan Madax banaanida iyo qaranimada Soomaaliya.
Waxa uu uga digay in iyaga oo aan soo Marin sharciga dalka in ay heshiisyo gaar ah galaan,taasina ay xadgudub ku tahay madaxbanaanida dalka,laakin ay muhiim tahay in shirkaduhu ay sharciga u hogaansamaan.
Khudbadiisa ayaa sidoo kale waxa uu ugu baaqay Shirkadaha shisheeye ee doonaya in dalka ay maalgashi ka sameeyaan in ay soo maraaan sharciyada dowladda Soomaaliya,islamarkaana ay soo dhaweyn doonaan.
Hadalka ka soo yeeray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku soo aadaya xili weli ay taagan yahay xiisada u dhaxeysa dowadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Shirkada DP World ee laga leeyahay Wadanka Imaaraadka Carabta taas oo ka dhalatay heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee Dowladda Itoobiya,Shirkada DP World iyo Maamulka Soomaaliland.