Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed farmaajo ayaa Saaka dhagax dhigay Dugsiga hoose dhexe Xaawo Taako ee Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir.
Dugsiga hoose dhexe ee Xaawo Taako oo ah dugsi qadiimi ah oo soo jiray tan iyo Xukuumaddii Daakhiliga aheyd, ayaa markii ugu dambeeysay loo bixiyay Halyeeyaddii Xaawo Taako, kaasi oo ahaa markaasi dugsi hoose dhexe, balse waxa uu ku buruburay dagaaladdii sokeeye ee ka dhacay dalka.
Wasiirka Waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cusman ayaa sheegay in in dusigaan uu yahay mid Taariikh xoog leh ku leh dalka isla markaana qaarkood dalkaan xilka soo qabtay.
Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo oo Goobta ka hadlay ayaa sheegay in dugsigan uu noqon doono mid lagu barto farsamada Gacanta inta badana ay wax ku baran doonaan dhalinyaro.
Hoos Ka Dhageyso Codadka Wasiirka Waxbarashada iyo Madaxweynaha.