Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo gaaray mgaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo maamul Goboleedka Puntland sida wanaagsan oo ay u soo dhaweeyeen madaxweynaha iyo wafdigiisa.
MD Farmaajo oo wali kuguda jira socdaalkiisa oo uu ugu magic daray socdaanlka nabada ayaa si aan loo kala harin loogu soo dhaweeyey Degmooyinka Waaciye, Boosaaso Carmo, iyo degaannada Jiingadda, Wardheer, Yalho, Sheerbi, Xiddo, Karin Laag iyo Kalabeyr, oo ka tirsan Gobolka Bari ayaa waxa uu sheegay in sanadkan 2018 uu noqonayo sanadkii dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, iyo hanaanka hormrinta dowladnimo
Dhanka Kale Madaxweynaha JFS oo uu weheliyo Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeer ku sameeyay Kulliyadda Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Carmo.
Ugu dambeyn madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa galabta gaaray magaalada Boosaaso iyada oo uu halkaas kula hadlay boqolaal shacabka reer boosaaso iyaga oo caleema qoyan ruxaya ayey si wanagsan ugu soo dhaweeyeen madaxweynaha iyo wafdigiisa,MD Farmaajo iyo wafdigiisa ayaana caawa ku hoyanaya magaaladaasi.
Halkaan Ka Dhagayso Codka Madaxweynah JFS.