Warar kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Maxamed Cadullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ay aqbaleen marti qaadkii Madaxda dowlad Goboleedyada dalka, kaasi oo ahaa in Madaxda DFS iyo kuwa Maamulada ay shir isugu yimaadan si loo wada hadlo.
Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maalinta berri ah waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, halkaas oo ay ku sugan yihiin Madaxda Maamul Goboleedyada.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isna maalmaha soo socda la filayo inuu gaaro Dhuusamareeb, isla markaana ay socdaan qorshihii uu tegli lahaa halkaas.
Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa yeelan doona shirweyne looga hadli doono Arrimo kala duwan, waxaana inta badan dhinacyada ay ka arrisan doonaan Arrimaha Doorashooyinka iyo sidii loo xalin lahaa Khilaafyada mudada dheer jiray.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa shir laba maalin socday ku yeeshay Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada, kaas oo inta uu socday looga hadlay Doorashada dalka, waxaana Madaxda ay isku raaceen in la Doorashada ay waqtigeeda ku dhacdo.
War-muriyeedkii xalay laga soo saaray Shirkii Dhuusamareeb ayaa waxaa soo dhaweeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Qaar kamid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira, iyagoo qaarkood Madaxda dowladda ugu baaqay inay ka qeyb noqdaan Wejiga labaad ee Shirka Dhuusamareeb.