Magaalada Muqdisho gaar ahaan Garoonka kubadda cagta ee Eng, Yariisow ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Munaasabadda Sanad-guurada 76aad ee aas aaska Ciidanka Booliska oo ku beegneyd maalintii shalay aheyd, hayeeshee Maanta laga xusay Muqdisho.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka amniga Xukuumadda Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka dowladda.
Sidoo kale Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa Khudbado ka jeediyay Madaxdii ka qeyb gashay, waxaana dhammaantood Ciidanka Booliska ugu hambalyeeyeen xuska 76 guurada ka soo wareegtay aas aaska Ciidanka booliska Soomaaliya.
Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo Guuto Cabdi Xasan Xijaar  ayaa sheegay in ciidanka Booliska ay yihin lafdhabarka bulshada, shacabkuna looga fadhiyo inay xoojiyaan wada shaqeynta kala dhexeyso booliska.
Isaga oo sii hadlaayay ayuu daboolka ka qaaday in lagu guuleystay sidii loo tayeyn lahaa ciidanka, loona xoojin lahaa wada shaqeynta kala dhexeysa Maamulada Degmooyinka iyo shacabka
Wasiir amniga Maxamed Abuukar Islow ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Booliska ay ka horteegeen weeraro la doonayay in laga fuliyo Muqdisho, isla markaana ay gacanta ku dhigeen rag uu sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.
Dhinaca kale inta badan Munaasabadda Ciidanka Booliska ayaa waxaa ka qeyb geli jiray Madaxweynaha ama Ra’iisul Wasaaraha dalka, hayeeshee Maanta Farmaajo iyo Kheyre ayaa ka baaqday inay ka qeyb galaan Munaasabaddii ka dhacday Garoonka Eng, Yariisow.
Ilaa iyo hada si rasmi ah looga oga sababta ay Madaxda ugu sarreysa dalka uga baaqdeen Munaasabaddaas oo horey uga qeyb geli jireen.