Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay ku kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha maamulka Soomaliland Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweyne Farmaajo oo haatan ku sugan dalka Jabuuti ayaa saacadaha soo socda ka soo ambabixi doona dalkaasi,isla markaana u soo duuli doono Addis Ababa,isagoona martiqaad ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu Maanta gaaro dalka Itoobiya,kadib markii uu Casuumaad rasmi ah uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya .
Kulanka Itoobiya ku dhexmari doona  Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi ayaa waxaa soo qabnaqaabiyay Abiy Axmed,kaasi aan la shaacin waxyaabaha looga hadli doono.
Waxaa kulankii ugu horeeyay ay yeelan doonaan dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland tan iyo Sanadkii 2015-kii,waxaana intaasi jirin wax kulan oo u dhexeeyay labada dhinac oo ay wada qaateen.
Toddobaadkii hore ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulalli Farmaajo waxa uu Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya kula kulmay Abiy Axmed,kadib markii ay ka qeybgaleen Shir Madaxeedka Ururka Midowga Afrika ee ka dhacay dalkaasi .