Sida lagu soo daabacay Websaytka Madaxtooyadda dalka Uganda waxay Labada Madaxweyne maanta Kulan ku yeesheen Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi oo ay kaga wada hadleen Xaalladda Ammaanka iyo horumarinta ee Somalia.
Madaxweyne Museveni waxa uu dhigiisa Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ugu hambalyeeyey Guushiisa Madaxweynaha cusub ee Somalia, wuxuuna uga mahad celiyey sida dhegeysto Odayga Caalamka inaan Somalia la naafaynin.
Bishii June ee sannadkii 2011-kii, Maxamed C/lalahi Farmaajo oo ahaan jirey Ra’isul-wasaarihii Somalia  caddeeyey inuu isku casilayo, kadib, Heshiiskii lagu soo gunaanaday Khilaafkii DKMG, kadib, markii uu Madaxweyne Museveni kula taliyey inuu saxiixo Heshiiskii la magac baxay Kampala Accord.
Madaxweyne Museveni waxa uu tilmaamay in Mashaakilka haatan yahay sidii loo tababari lahaa Ciiddanka iyo Saraakiisha Ammaanka Qaranka, wuxuuna ugu baaqay Madaxweynaha Somalia inuu Uganda la kaashado Tababarka iyo Xoojinta Ciiddanka ee Adeegga Qaranka.
Madaxweyne Farmaajo oo isagana ka hadlay Kulankaasi oo ka dhacay Hotelka Villa Rosa Kempisky ee magaalladda Nairobi, waxa uu Madaxweyne museveni kaga mahadceliyey  Talaadiisa Caaqilnimadda ee uu kula taliyey inuu Xilka ka dego muddadii uu socday Heshiiskii Kampala Accord.
Waxa uu intaasi ku daray inay xaqiiqdii ahayd Caqli wanaagsan arrintaasi iyo inuu qof kasta qaato Go’aanka Saxda ee danta wanaagsan u ah Dalka.
Mar uu ka hadlayey muhiimadiisa xilligan, waxa uu Madaxweyne Farmaajo ku nuuxnuuxsaday inuu aqoonsanayo Ciiddanka iyo in la qalabeeyo, lana siiyo wax kasta oo ay kaga hortegi karaan Alshabaab, laguna xoojinayo Ammaanka Qaranka.
 Dhinaca kale, Heshiiska Kampala Accord waxaa uu ahaa Heshiis ay Dowladda Uganda garwadeen ka ahayd Dhexdhexaadintii Khilaafkii Siyaasadeed ee xilligaasi u dhexeeyey Madaxweynihii DKMG, Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Farmaajo oo xilligaasi ahaa Ra’isul-wasaare.
Bishii June ee sannadkii 2011-kii ayaa la saxiixay Heshiiska Kamapala Accord, taasi oo horseeday inuu Farmaajo iska casilo Xilkii RW ee uu ka hayey DKMGS.
©Radio Dalsan