Wafdi uu hoggaminayey Madaxweynha DFS, Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa Fiidnimadii xalay gaaray Caasimadda dalka Turkiga ee Ankara, isagoo casuumaad ka helay Madaxweynae Erdogan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Ankara, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga.waxaana Madaxweynaha safrkiisa ku wehliya  Wasiirada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Amniga iyo kuwo kale.
Mdaxweyne Farmaajo waxaa la filayaa inuu maanta Mdaxweyne Rjab Dayib Erdogan kula kulmo Qasriga Madxtooyadda ee magaalladda Ankara.
Kulankooda ayaa la filayaa inay uga wda hadlaan Xiriirka Labada Dl iyo Taageeradda ay Dowladda Turkiga siiyaan Hay’addaha DFS iyo sidii loo ballaarin lahaa Mashaariicda Horumarineed ee y ka hirgeliyeen Somalia.
Waa Safarkii ugu horreeyey ee Madaxweyne Farmaajo ku tago Turkiga, isagoo Madaxweyne ah.
©Radio Dalsan