Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdogan ayaa hadalkaasi ku sheegay Shir Jaraa’id oo ay isaga iyo dhigiisa dalka Yukrayn Petro Porochenko ku qabteen caasimadda dalkaasi ee Kiev.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu aad iyo aad uga xun yahay go’aankii ay Dowladda Maraykanka ku hakisay Adeegii Fiisaha ee Muwaadiniinta Turkiga lagu siin jireen Dal-ku-galka Maraykanka.
Waxa uu tilmaamay inuu amar ku siiyey Safaaradda Turkiga ee Washington inay qaadaan Tallaabo la mid ah Go’aankii Maraykanka ee Adeegga Fiisaha.
“Turkiga waxaa lagu xukumaa Sharci oo wax kasta ka sarreeya, ma nihin Qabiil, mana nihin Dowlad Qabiileed†ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.
Khilaafka Diplomaasiyadeed ee Maraykanka iyo Turkiga ayaa yimid, kadib, markii ay Ciiddanka Ammanka Turkiga xireen Muwaadin Turkish ah oo ka shaqeeya Qunusuliyada Maraykanka ku leeyihiin magaalladda Istanbuul, kadib, markii lagu soo oogay inuu xubin ka yahay Kooxda uu hoggaamiyo Sheekh Fatxullahi oo ku nool Maraykanka.
Shaqaalaha la xiray oo lagu magacaabo Metin Topuz, waxaa lagu eedeynayaa inuu Warbixin ka hayo doorkii ay Maraykanka ku lahaayeen Afgembigii Fashilmay ee 15-kii July ee sannadkii hore ka dhacay Turkiga.
Saraakiisha Turkiga waxay sheegeen inuusan Eedeysanahaasi lahayn wax Xasaanad Diplomaasiyadeed, isla markaana ay Maraykanka ku degdegeen Xayiraadda dhinaca Adeegga Fiisaha la siin jirey dadka Turkiga ee doonaya inay tagaan Maraykanka.