Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta oo Arbaco ah furay kal-fadhiga 50-aad ee Golaha Wakiilada Puntland, kadib munaasabad ka dhacday Xarunta Baarlamaanka Maamulka ee Magaalada Garoowe, Xarunta Gobolka Nugaal.
Madaxweyne Deni ayaa furitaanka kal-fadhiga 50-aad ka jeediyay khudbad uu uga hadlayo Arrimo kala duwan, isagoona marka hore sheegay in Puntland ay qeyb ka qaadatay Isbedelkii siyaasadeed ee ka dhacay dalka, uuna ka qeyb galay shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran ee maalmo kahor lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay Madaxweynaha Puntland inay ka go’an tahay hirgelinta doorasho qof iyo Cod ah oo ka dhacda deegaanada Maamulka, isla markaana ay doorashada la mid noqoto doorashooyinkii ka dhacay degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl.
Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa xusay in Miisaaniyadda Puntland ee 2022 uu ku yimid hoos u dhac 15%, isla markaana wuxuu sheegay inay arrintaas ay tahay sababta keentay dhibaatada COVID-19, Abaarta, dagaalka Ukraine & Ruushka, isagoo intaas kusii daray inay kor u dhacday Maciishadda.
“Miisaaniyadda Puntland ee 2022 waxaa ku yimid is dhin u dhiganta 15% sabab ka dhalatay dhibaatada Covid-19, Abaarta, Dagaalka Ukraine & Ruushka, Maciishadda Puntland oo kor usii kacday 19% lagana cabsi qabo in ay kasii sare marto†ayuu yiri Deni.
Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa Ganacsatada ugu baaqay inay ilaaliyaan keydka cuntada Puntland, hoosna loo dhigo raashinka ka baxaya deegaanada Maamulka, maadaama uu sheegay in aduunyada ay joojisay dhoofinta raashinka.
Saciid Cabdullaahi Deni ayaa caddeeyay inay Isha ku hayaan dhoofinta dhirta, isla markaana xusay inay ka Go’an tahay  la-dagaallanka xaalufka degaanka, ayna gacanta ku hayaan kiisas arrintaas la xiriira, sidoo kalena sheegay inay dhiseen Ciidamo isugu jira Boolis iyo Daraawiish, si wax looga qabto Amniga.