Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Maanta u ambabaxay Dalka Jabuuti.
Safarka Madaxweyne Saciid Deni ee dalka Jabuuti ayaa waxaa ku wehlinayay xubno ka tirsan maamulka Puntland, iyagoona ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Bosoaaso.
Ujeedka Madaxweynaha Puntland ee Jabuuti ayaa waxaa lagu sheegay in halkaas uu kulamo kala duwan kula qaadan doono Madax ka tirsan dowladda Jabuuti, isagoona kala hadli doono arrimo kala duwan.
Sidoo kale wararka ayaa intaas kusii daraya in Madaxweynaha Puntland inta uu ku sugan yahay halkaas uu kulan la yeelan doono Saraakiil ka tirsan Taliska Mareykanaka ee Qaaradda Afrika .
Waa safarkii ugu horeeyay ee Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni Maanta ugu ambabaxay dalka Jabuuti tan iyo markii xilka Puntland loo doortay sanadkii tegay ee 2019.