Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi DenMadaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa mar kale sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato xalinta Khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.
Waxaa uu sheegay Madaxweyne Deni inuu sii wado qorshaha la isugu soo dhaweynayo dowladda Federaalka iyo Jubbaland, isla markaana uu rajo wanaagsan ka qabo in la dhameeyo Khilaafka labada dhinac.
“Khilaafka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland u dhexeeya Puntland diyaar ayay u tahay inay ka qaadato kaalinteeda kaga aadan, Intii hadda wax socdeenna qayb weyn baan ku lahayn isu soo dhoweyntooda†ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa uu tilmaamay inuu wadahal la furayo cid kasta oo diidan Doorashadii uu kusoo baxay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Si kastaba Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan aqoonsaneyn Doorashii ka dhacday Kismaayo ee uu kusoo baxay Axmed Madoobe, iyadoona ku tilmaamtay inay aheyd mid sharci darro ah oo baalmarsan Dastuurka dalka.