Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 68, Â 21 September 2019, ku magacaabay Wakiilka Puntland ee Dalka Mareykanka.
Madaxweynaha Puntland.
Markuu Arkay : Dastuurka dowlad Goboleedka Puntland.
Markuu Arkay: Baahida loo qabo in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Qurba joogta Puntland ee ku nool dalka Maraykanka.
Markuu Tixgeliyey: Aqoonteeda iyo Khibradeeda Shaqo.
Wuxuu Xeeriyey:
- Waxaa Mulki Abdisamad Hussein loo magacaabay Wakiilka Puntland ee Dalka Maraykanka.
- Xeerkani wuxuu dhaqangelaya Markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna saxiixay.