Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlayay Magaca Goleyaasha kala duwan ee Puntland iyo kan Shacabka ayaa waxaa tacsi u diray  ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday waxyeelada ka dhalatay Fatahaadda Webiga Shabeelle, wuxuuna illaahay uga baryay inuu Jannatul Fardowsa geeyo, eheladoodiina Samir iyo iimaan ka siiyo.
“Puntland, iyo Shacab ahaanba waxay la qeybsanaysaa dhibka iyo xanuunka ay wajahayaan walaalaha Soomaaliyeed ee waxyeelada lixaadk leh kasoo gaartay fatahaadda webiyada Shabeelle iyo Jubba, waxaana la garab taaganahay taageero iyo gurmad ay waajib tahay inaan bixinnoâ€ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Ugu danbeyntii Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu baaqay cidkastoo gacan ka geysan karta in la sameeyo waxkasta oo suuragal ah si dadkaasi ay u helaan caawimaad bani’aadanimo oo deg deg ah.
“Waxaa sidoo kale lama huraan ah in laga tabaabusheysto sidii looga gaashaaman lahaa fatahaadaha soo noq-noqda oo geysta khasaaro nafeed iyo mid dhaqaale oo baaxad lehâ€ayuu hadalkiisa sii raacsiiyay Madaxweynaha Puntland.