Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay weheliyaan Labada Guddoomiye ku-xigeen ee Aqalka Sare  Abshir Maxamed Axmed Bukhaari iyo Mowliid Xuseen Guhaad.
Kulanka oo ka dhacay guriga guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda uu dalku marayo, waxaana Guddoonka Aqalka Sare uu Madaxweynaha ku bogaadiyey doorkiisa muhimka ah ee samata bixinta Dalka.
Wararku waxaa ay sheegayaan in labada Mas’uul ay ka wad hadleen arrimo la xariira doorashooyinka soo aaddan ee la filayo in dhawaan ay dalka ka dhacaan.