Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan
Madaxweynaha ayaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif waxaa ugu hortagay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Ururada Dhalinyarada Haweenka Odayaal Iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM Iyo Kuwa Soomaaliya,
Saacadsaha soo socda ayaa la filayaa in Madaxweyne Cosoble uu Warbaahinta la hadlo isaga oo soo bandhigi doono Safarkii uu uga maqnaa Magaaalda Baladweyne iyo waxyaabihii u qabsoomay.
Safarka uu Maanta Baladweyne ku tegay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa imaanaya xili weli ay taagan tahay Caqabadii ka dhalatay diidmada lacagta shilinka Soomaaliga.
Goordhow la socda Sawirrada Booqashada Madaxweyne Cosoble ee Magaaalda Baladweyne