Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen Cali Guudlaawe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta soo Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyay Wasiiro, Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, xubno labada gole ee Hirshabeelle, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha ayaa Muqdisho u yimid ka qeybgalka Shirka Madasha Wadatashiga ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo looga hadli doono arrimaha amniga iyo abaaraha ka jira guud ahaan dalka.
Madaxweyneyaasha kale ee maamulada Puntland, Koonfur Galbeed, iyo Galmudug ayaa la filayaa inay iyaguna Maanta soo gaaraan Magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan Shirka oo maalmaha soo socda ka furmaya Caasimadda dalka.