Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir gudoomiyay Shirka Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Shirka oo maanta ay kasoo qeybgaleen Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Gudoomiye Ku Xigeenkiisa 2aad Md Mahad Xasan Cusmaan, Siihayaha Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasaaradaha Amniga Taliyaha Guutada 3aad ee qeybta 27aad, Saraakiil ka socotay Taliska Qeybta 27aad, Taliska Booliska Hirshabeelle, Taliska Nabada Sugida Gobolka Shabeellaha Dhexe Iyo Saraakiil sar sare oo ka socday Taliska Sector 5 ee Amison.
Madaxweynaha ayaa Kulankaan warbixino uga dhageystay Saraakiisha Hay’adda Amniga isagoo kala hadlay qodobada.
- Xaaladaha Amniga ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle
- Qorshaha kala guurka Somalia( Somali transition plan
- Qorshaha Amni ee Xiliga Doorasha
- Howlgalada, xasilinta, iyo qorshaha Badbaado 2 ee Shabeellaha Dhexe.
Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay Hay’adaha Amniga.