Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug, kadib Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha.
Qoorqoor ayaa Cusmaan Macallin Xasan u magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug, waxaana la sheegay in Cusmaan Macalin uu yahay aqoonyahan xirfad dheer u leh arrimaha maamulka & horumarinta Dhaqaalaha, isagoona kasoo shaqeeyay dalka iyo dibadaba.
Sidoo kale wuxuu ka mid ahaa aqoonyahankii Soomaaliyeed ee dadaalka ku baxshay soo kabashada waxbarashada hoose iyo midda sare ee dalka. Isagoona sanadyadii dambe ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga Soomaaliya (SIU).
Magacaabistaan ayaa soo baxday kaddib markii Madaxweynuhu garowsaday baahida degdega ah ee loo qabo dardargelinta hawlaha hortabinta leh, isla markaana tixgeliyey kartida, aqoonta iyo waayo aragnimada masuulkan u leeyahay arrimaha maamulka iyo  maareynta.