Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Madaxweyne Emmerson Manangagwa waxa uu ku sheegay inuu Hoggaamiyaha Mucaaradka, Nelson Chamisa kala hadlayo sidii loo joojin lahaa Xiisadda ka dhalatay Dooraashaddii isbuucan ka dhacay dalkaasi,
Madaxweynuhu waxa uu ku baaqay in Baaritaan Madax Bannaan lagu sameeyo qalalaasihii shalay ka dhacay caaasimadda dalkaasi ee Harare, oo 3 qof lagu dilay.
Dhinaca kale, Ciiddamo Milliteri ayaa maanta la soo dhigay Waddooyinka magaalladda Harare, si looga hortago Rabshado kale oo dheeraad ah.
Inta badan Goobaha Ganacsiga wey xiran yihiin, iyadoo dhowr waddo lagu gooyey Dhagxaan iyo haraagga Taayaradii shalay la gubay.