Saraakiisha Milliteri ee saakayto la wareegay Talada Dalkaasi ayaa shaaciyey inay su’aalo weydiinayaan Madaxweynaha dalkaasi Robert Mugabe iyo Xaaskiisa Gareesa Mugaabe.
Afhayeen u hadlay Milliteriga la wareegay Talada dalkaasi ayaa sheegay inay Madaxweynaha iyo Xaakiisa ku hayaan meel Ammaan ah, isla markaana ay baaritaano ku hayaan.
Ma kala cadda halka lagu hayo Madaxweyne Mugaabe oo 93-jir ah iyo Xaaskiisa, inkastoo ay Milliteriga sheegeen inay ballan qaadeen Ammaankooda.
Dhinaca kale, Afhayeenka u hadlay Milliteriga Zimbabwe ayaa sheegay inay wadaan Hawlgal ay ku soo qabanayaan Kooxaha Dembiilayaasha ee ku hareeraysan Madaxweyne Mugaabe.
Waa markii ugu horreysay oo ay Milliteriga ka hor yimaadaan Madaxweyne Robert Mugaabe oo Talada dalkaasi hayey tan iyo Xorriyaddii dalka Zimbabwe ee sannadkii 1980-kii.