Shirka 28-aad ee caadiga ee Madaxda Dowladaha Afrika ayaa la filayaa inuu berrito ka furmo Xarunta Dhexe ee AU-da oo ku taalla caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.
Shirkaasi oo socon doona muddo 2 maalmood ayaa waxay Madaxda Dowladaha Afrika ku marti-gelin doonaan Shirweyne kale oo ay ka qeyb geli doonaan Hoggaamiyayaal ka kala socda Dalalka Caalamka iyo Siyaasad-sameeyayaasha (Policy makers).
Inta badan Madaxweynayaasha Afrika waxay joogaan Addis Abeba, halka kuwo kalena ay ku sii wajahan yihiin, marka laga reebo Madaxweynaha Somalia ee sii-hayaha xilkaasi, Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ah Murashax Madaxweyne.
Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating waxa uu horey u sheegay inuusan Xasan Sheekh ka qeyb geli karin Shirarka Caalamka, balse uu Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga Somalia, C/salaam Omar Hadliye u matali doono Somalia Shirarka Caalamiga.
Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha dalalka Afrika waxaa lagu wadaa inay maalinta berrito doortaan Guddoomiyaha cusub ee AU-da iyo Ku-xigeenkiisa, waxaana xilka Guddoomiyaha u taagan Murashixiin ka kala socda Kenya, Botswana, Equatorial Guinea, Chad, Senegal iyo Uganda.
©Radio Dalsan
Â