Diyaaradda uu la socday Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dalka Uganda. Yoweri Kaguta Museveni ayaa goor dhow soo caga-dhigatay Garoonka Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.
Madaxweyne Museveni waxa uu ka qeyb geli doonaa Shirweynaha 28-aad ee Madaxda IGAD oo goor dhow ka furmi doona Muqdiusho.
Wafdiga waxaa Garoonka ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federalka, waxaana loo gelbiyey Madasha uu ka furmayo Shirkaasi.
Madaxweynayaasha dalalka Jabuuti iyo Sudan ayaan ka qeyb geli doonin Shirka Madaxda IGAD, balse waxaa u matalayo Wakiilo ka kala socda Labada Waddan.
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la sheegay inuu dib ugu laabtay magaalladda Jabuuti, kadib, markii Diyaaradii uu la socday ay cillad ku qabsatay Hawada Somalia.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxay si nabad ah uga degteen Garoonka magaalladda Jabuuti.
Madaxweynaha dalka Sudan, Cumar Xasan Albashiir ayaa la sheegay inuu ka cuddur daartay ka soo qeyb galka Shirka Madaxda IGAD uga furmayo Muqdisho.
Albashiir ayaa la sheegay inuu ka shakiyey in lagu qabto Muqdisho, maadaama ay Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyadda (ICC) horey u amartay in loo soo gacan geliyo Madaxweyne Alshabaab oo lagu eedeynayo inuu Dembiyo Dagaal ka galay Gobalka Daarfuur.