Madaxweyne Yoweeri Museveni ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulankii Hoggaamiyayaasha Dowladaha ay Ciiddanka ka joogaan Somalia dhawaan ku yeesheen Xarunta QM ee magaalladda New York.
Waxa uu tilmaamay inaysan dalalka ku yaboohay Ciiddanka Nabad-ilaalinta AMISOM ahayn shaqaale u shaqeeya QM, balse ay isku bahaysteen, si ay u qabtaan Adeegga PAN-AFRICANISM.
“Kani waa Mashruuc PAN-AFRICANISM, mana nihi shaqaalaha QM ama Somalia†ayuu yiri Yoweeri Museveni.
Waxa uu intaasi ku daray in doorka Ciiddanka AMISOMÂ tahay mid u sabab ah qorsha PAN-AFRICANISM si deganaansho loogu soo dabaalo Somalia.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Uganda waxa uu kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres, wuxuuna Warbixin ka siiyey xaalladda Siyaasadda iyo Ammaanka ee dalalka Somalia, South Sudan, Burundi iyo guud ahaan Gobalka.