Madaxweynaha dalka Tanzania, Marwo Saamiya Suluhu Xasan iyo wafdi ay horkacayso ayaa 10-kii barqnimo oo daqiiqado la’ ee saakayto (Talaado) waxaa ay ka degeen Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) re Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Madaxweynaha oo la socotay Diyaaradda Shirkadda Air Tanzania ayaa waxaa ay booqasho rasmi ah oo 2 maalmood ku joogi doontaa Kenya, waxaana Garoonka JKIAku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya, Raychelle Omamo iyo Wasiirka Sport-ga, Ambassador mina Mohamed iyo Hoggaamiyayaal kale.
Booqashadda ay Madaxweynaha dalka Tanzania, Marwo Saamiya Suluhu Xasan ku tegtay Kenya waa tii labaad ee booqasho ay ku tagto dalal kale, tan iyo markii ay Xilkaasi la wareegtay bishii March 19-dii ee sanadkan, kadib, markii uu Madaxweynihii hore ee dalkaasi, John Magufuli uu geeriyooday bishii March 17-dii ee la soo dhaafay.
Madaxweynaha Tanzania waxaa u qorsheysan inay dhigeeda dalka Kenya, Uhuru Kenyatta gelinka dambe ee maanta kula kulanto Xarunta Aqalka Dowladda Kenya (The State House) ee ku yaalla Nairobi.
Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Tanzania, Marwo Saamiya Suluhu Xasan waxaa la filayaa inay berrito oo Arbaco ay Kulan Khaas oo Wadajir ah la yeelayo Xildhibanadad Labada Gole ee Barlamaanka Kenya (The National Assembly and the Senate).
W/Q: Ustaad Nuradin.