Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan  la qaatay madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug.
Farmaajo ayaa la kulmay Maxamed Xaashi Carabeey Madaxweyne ku xigeenka  Galmudug, Cali Gacal Casir Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo iyo sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka labaad Maxamed Aadan Maalin.
Kulankaan ayaa la sheegay in uu ahaa mid hordhac ah islamarkaana xal loogu raadinayo khilaafka u dhaxeeya Madaxda dowlad goboleedka Galmudug ee isku bedeshay xilka qaadis.
Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu masuuliyiintaan u yeeray,waxana sidoo kale Muqdisho ku sugan kana qeybgalaya shirka Wadatashiga Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo xildhibaanada qaar ay sheegeen in xilkii ay ka qaadeen.
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in uu Muqdisho ka dhaco kulan ay qaban qaabadiisa leedahay Madaxtooyada kaas oo la iskugu keenayo Madaxda iskhilaafsan ee Galmudug.