Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalo Xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyay.
Wefdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah  Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo xubna ka socda labada Golle ee Dowlada federaalka Soomaaliya.
Shacab ka kala yimid Xaafadaha Magaalada Hobyo iyo tuulooyinka hoostaga,oo ay wehlinayaan Xildhibaano federaalka ka tirsan oo horay Hobyo ugu sugnaa ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay halkaas.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Diyaarad ka soo qaaday Magaalada Cadaado oo uu Maanta tegay,waxana inta uu ku sugan yahay Hobyo uu xariga ka jari doonaa dekada Magaalada Hobyo oo dib loo furayo.