Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mafane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta gaaray magaalada Guraceel ee gobolka Galgaduud,halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey.
Waxaa ku soo dhaweeyey halkaasi mas’uuliyiinta maamulka,waxgarad iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada,iyadoo amaanka magaaladaasi siweyn loo adkeeyey.
Madaxweynaah Soomaaliya waxaa ku wehliya safarkiisa madaxweynaah Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf,madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Axmed Shaakir xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.
Waxaa la filayaa in halkaasi uu kula kulmo madaxda Galmudug,iyo qeybaha bulshada,waxaana madaxweynaha uu ka dhageysandoonaa bulshada warbixino ku aadan xaaladohooda nololeed iyo baahiyaha ay qabaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa weli ku guda jira booqasho uu ku marayo deegaanada Galmudug,isagoo horey u soo maray Puntland.