Madaxwaynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Magacaabay xil aan Shaqeyn kaas oo la sheegay in uu ku raaligelinayay mid ka mid ah Beelaha dega deegaanada Soomaaliland oo cabasho qabta.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa lagu Magacaabay Ergayga Gaarka ah ee u Qaabilsan Soomaaliland Qaramada Midoobay xilkaas oo loo Magacaabay Maxamed Warsame Ducaale
Arrintaan ayaa imaaneysa xili duunka iyo Qaramada Midoobay aysan aqoonsanayn jirtaanka Soomaaliland taas oo weli wax jawaab ah aysan ka bixin Madaxtooyada Soomaaliland.
Sidoo kale Soomaaliland ayaan wax kursi ah ku laheyn Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay maadaama aysan aheyn kuwa la aqoonsanyahay.
Maamulka Soomaaliland oo aaminsan in uu ka Go’ay soomaaliya inteeda kale ayaa safiiro waxa uu ku leeyahay dowladdo taageera sida Itoobiya Jabuuti iyo dowladdo kale balse weli mahelin wax aqoonsi ah.